to page
Meny

Soomaali

Koreografin – interaktivitet, språk och integration waa barnaamij raba inuu fan masraxeedka ka dhigo mid dadka oo dhan ay heli karaan. Waxa barnaamijka masrixiyadda, Koreografin lagu turjumayaa 10 luqadood si fursado dheeraad ah oo looga qeybqaato oo loogu kulmo loogu siiyo meel luqadda ka baxsan. Barnaamijku wuxuu sidoo kale ka shaqeyn doonaa hababka fan masraxeed gacan ka geysta kor u qaadista aqoonta, helitaano ka badan iyo fan masraxeedyo ka faro badan.

Koreografin waa bandhig ku salaysan ka qeyb qaadashada/falgalka daawadeyaasha. Dhamaan dadka ka midka ah daawadeyashu waxay heli doonaan sameecada dhagaha la gashado iyo cod u tilmaamaaya sida ay dhaqdhaqaaq u sameynayaan, ula qalqaloocinayaan jirkooda oo midba midka kale xiriir ula sameynaayo. Haddii si kale loo dhigo, ma jiraan dad ka dhaansaaya/qoob ka ciyaareyaal ah ama jilayaak ah oo meesha jooga, laakiin waa dadka daawadayaash ah cida Koreografin wada abuureysaa.

Fikradda barnaamijkan cusubi waxay ka timid kulan lala sameeyey ardayda aan iswidhishku ahayn afkooda hooyo, ee sidaas darteedna aan Koreografin uga qeyb qaadan karin si la mid ah, maxaa yeelay tilmaamaha waxa kaliya ee lagu heli karaayey waa af iswiidhish. Kooxda qoob ka ciyaarka ee Johanssons pelargoner och dans ayaa wada sameeyey Koreografin 2016 iyagoo markaa kadibna ku soo wareegey dugsiyada Iswiidhan.

Mashruuca waxa lala kaashadey Haninge kommun, ABF Stockholm iyo Unga Klara. Mashruuca waxa lagu sameynayaa iyadoo taageero laga helaayo Allmänna Arvsfonden.

Miyaad wax su’aalo ah ka qabtaa ama aad dooneyso inaad dalbato/qabsato Koreografin?

La soo xidhiidh
info@koreografin.se
0730678858

Listen here, Lyssna här